Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sarkaal Sirdoonka Puntland ah oo la Dhaawacay


Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo mid kamid ah ilaalo la socotay ayaa dhawacmay kadib markii ay rasaas ku rideen Ciidan joogay Bar Kontrol oo ku taalla badhtamaha Magaalada garoowe habeenkii xalay ahaa, iyadoo la tilmaamay in arrintani ka dhalatay shaki iyo is faham la'aan dhex martay labada dhinac.

Sarkaalka la dhawacay oo lagu Magcaabo Maxamed Caydiid ayaa ahaa Taliye cusub oo dhawaan loo magcaabay Ciidanka Sirdoonka Hay'adda PIA ee Gobolka Sanaag, waxaana sarkaalkan soo gaadhay dhawac culus, oo uga yimi toogasho ay u geysteen ciidan kale oo ku sugnaa bar kaantarool, sidaana waxaa warbaahinta u xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah.

Dhinaca kalena Dadweynaha ku nool magaalada Garoowe ayaa xalay si weyn ay dhegohoodu u maqlayeen rasaas kala duwan oo ay jihooyin kala duwan ka ridayeen ciidamad amniga, hase ahaatee weli saraakiisha amnigu arrintan faahfaahin badan kamay bixin.

Ciidamada Amniga ayaa iyagu habeennadii ugu dambeysay waday talabooyin lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda Puntland, isla markaana magaalada ka dhex sameeyey illaa 15 goobood oo dadka iyo gaadiidka magaalada lagu baadho.

Hawlgalladan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay halkaas ka jiraan khilaaf ka dhashay saraakiil ciidan oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas uu xilka ka qaaday bishii February saraakiil ciidanka ka tirsan balse iyagu diiday inay xilka wareejiyaan, waxaana ciidamada ammaanku ay samaynayaan hawlgallo dhinaca amniga ah oo ay uga jawaabayaan saraakiishaas diiday inay xilka wareejiyaan.

XS
SM
MD
LG