Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Rajo ka Muujiyey Wadahadalada Iran


Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalaka Maraykanka iyo kuwa Yurub ee dadaalka ugu jura inay heshiis la gaaraan dalka Iran ayaa sheegay in la soo gaaray meel muhiim ah, horumarna laga sameeyey wadahadaladii socday.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Britain, Faransiiska, Jarmalka iyo ka Maraykanka John Kerry ayaa Sabtidii shalay ku kulmay magaalada London, xilli wadahaladada si kmg ah loo hakiyey.

Wasiiradu waxay sheegeen in horumar weyn laga sameeyey meelo muhiim ah, hase yeeshee ay wali jiraan arrimo kale oo muhiim ah oo dhiman.

Wasiiradani waxay Iran ugu yeereen inay sameyso go’aano ad-adag. Waxa kale oo ay sheegeen in aanay saxeexi Karin heshiis, sida ay sheegeen, aan dhameystirneyn, waareynin, isla markaana aan la hubin karin.

Wadahadalada ka hor ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanku sheegay in loo baahan yahay in go’aano waaweyn xiligan la joogo la qaato. Waxa uu intaas ku daray in qaadashada go’aamadaasi ayna fudeyd noqon doonin mar Alla marka waqtigu sii dheeraado.

Dhinaca kale, madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Sabtidii sheegay in su’aashu ay tahay in Iran ay diyaar u tahay iyo in kale in Iran ay diyaar u tahay inay caalamka tusto in aanay sameysaneynin hubka nuclearka.

XS
SM
MD
LG