Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Sheegatay Weerarkii Tunisia


Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkii ka dhacay matxaf ku yaalla magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Maamulka Tunisia ayaa xir-xiray sagaal qof oo lala xiriiriyey weerarkii matxafka Tunis, kaas oo ay ku dhinteen 23 qof.

Saacado gudahood weerarkii Arbacadii ayaa saraakiil dawladda ka tirsani ay sheegeen in booliisku uu raadinayo dad weerarkii kaalin ka geystay, ka dib markii xoogagga amnigu ay toogasho ku dileen labo dabley ahaa oo loo aqoonsaday Yaasiin al-Cebeedi iyo Xaatim Khashnaawi.

Labada nin ayaa rasaas ku furay dad dalxiiseyaal ah, banaanka matxafka qaranka ee Bardo, ka hor intii ayna dad kale la-haystayaal ahaan u qabsan.

Ra’iisal Wasaaraha Tunisia Xabiib Essid ayaa radio-ga RTL u sheegay in aanay wali caddeyn cidda ay ka tirsan yihiin raggii weerarka geystay.

Dadka dhintay waxa ka mid ahaa 20 dalxiise oo ajaanib ah iyo 3 reer Tunisia ah, sida ay saraakiisha dawladdu sheegtay.

XS
SM
MD
LG