Isku xirrada

War Deg-Deg ah

La heystayaal La Soo Furtay Tunisia


Ismariwaa ka taagnaa madxafka ugu weyn Tunisa ayaa soo afjarmay, ka dib markii ay dhinteen sadex nin oo huebeysnaa iyo ugu yaraan sideed qof oo rayid ah, weerar maanta oo Arbaca ah ka dhacay meel ku dhow baarlamanka dalkaasi ee caasimadda Tunis.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Tunisia, ayaa sheegay in dadkii lagu heystay gudaha Dhismaha Madxafka Qaranka ee Bardo, la xureeyay, ka dib muddo saacado ah oo ay mashaqadu socotay.

Todoba ka mid ah dadka dhintay ayaa ah Ajnabi, sidoo kale askari boolis ah ayaa ku dhintay intii uu socday howlgalka soo furashada.

Afaheyeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa sheegay in qiyaastii 100 qof ay booqasho ahaan ugu jireen gudaha madxafka markii laba qof oo ku huebysnaa qoryaha daran dooriga u dhaca ay gudaha u galeen.

Ma Cadda weli heybta ragga weerarka geystay. Cidina ma aysan sheegan.

Telefishinka dalka Tunisia ayaa soo bandhigay muuqaalada dalxiisayaal ay ku jireen dad da’a ah iyo caruur ka baxsanayay dhismaha, iyadoo ay gaar ka hayeen ciidamada amaanka ee dalkaasi.

Xubin ka tirsan Baarlamanka dalkaasi , Sayida Ounissi ayaa soo dhigtay barteeda Facebook xilli dhismaha baarlamanka laga baxayay in aysan baqin.

Waxey sheegtay in Gudaha baarlamanka ay ku jireen wasiirka cadaaladda, qaadiyaal iyo dhowr ka mid ah saraakiisha ciidama da, iyadoo baarlamanku uu ka doodayay sharci ku saabsan argagixisa la dirirka.

XS
SM
MD
LG