Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu: Dowlad Ayaan Soo Dhisayaa


Ra’iisul Wasaaraha Israeli Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ku talagalkiisu uu yahay inuu soo dhiso dowlad laba ilaa iyo sadexda todobaad ee soo socda, taasoo uu markii afaraad uu ka noqonayo Ra’iisul Wasaare, ka dib markii xisbigiisa Likud uu ku guuleystay doorashooyinkii Baarlamanka ee Israel.

Iyadoo ku dhawaad dhamaan codadkii doorashada la tiriyay, ayaa xisbiga Likud waxa uu helay 30 kursi, halka xisbiga ay sida dhow u baratamayeen ee Midowga Sahyuuniyadda uu helay 24 kursi.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Mr. Netanyahu ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu goor horeba uu xiriir la sameeyay xisbiyada kale ee baratanka doorashada ku jiray, si uu u helo Isbaheysi 61 Kursi heysta oo uu u soo dhiso dowlad uu madax ka yahay.

Mid ka mid ah Xisbiyadaasi ayaa ah xisbiga siyaasadiisu dhexda u janjeerto ee Kulanu , kaasoo 10 kursi ka helay codeyntii Talaadadii loo dareeray.

Hogaamiyaha Xizbiga Sahyuuniyadda - Isaac Herzog ayaa qirtay in doorashada looga adkaaday, wuxuuna sheegay inuu u taleefanka ugu hambalyeeyay Mr. Netanyahu.

Herzog waxa uu sidoo kale u sheegay wariyeyaasha inuu sii wadi doono, u shaqeynta dadka iyo danaha Isreal, isagoo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka.


XS
SM
MD
LG