Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Murashixiinta Isreal oo Guulo Kala Sheeganaya


Labada murashax ee ugu waaweyn ee ku baratamayay doorashada baarlamaaniga ee Israel ayaa mid waliba uu ku andacoonayaa inuu yahay kan soo dhisi doona dowlad cusub, xilli qiyaasaha codbixinta doorashada ee telefishinada dalkaasi ay sheegayaan in aad la isugu dhowyahay.

Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo doonaya in markiisii afaraad la doorto ayaa goor horeba ku sii dhawaaqay in xisbigiisa muxaafadka ah ee Likud party uu guuleystay, isagoo ku qoray boggiisa facebook “Likud Weey guuleysatay Caqabado kasta oo soo wajahay,”

Isaac Herzog, murashada xisbiga qolyaha siyaasadoodu u janjeerto dhinaca bidix – ee Zionist Union alliance ayaa sheegay in wax walba ay furanyihiin ilaa iyo inta doorashada rasmiga ah looga dhawaaqayo.

Mr. Herzog ayaa sheegay inay sugayaan tirade kuraasta ay helaan xisbiyada kale ee bararanka ku jiray, ka hor inta uusan ka fekerin nooca dowladda ay soo dhisayaan.

Labada xisbi ayaa la filayaa inay helaan kuraas ka badan tan Telefishinadu ay qiyaasayaan.

XS
SM
MD
LG