Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Brazil oo Laaluush lagu Eedeeyey


Boqollaal kun oo qof oo u dhashay dalka Brazil ayaa banaanbaxyo ka dhigay dalkaas shalay axaddii iyaga oo dalbanaya inuu xukunka ka degto madaxweynaha dalkaas Dilma Rousseff ka dib markii lagu eedeeyey xukuumadda musuqmaasuq.

Cadhada badan ee dadweynaha ayaa ka imanaysa laaluush iyo wax isdaba marin lagu eedaynayo Ms. Rousseff oo la xidhiidha shirkadda dawladdu leedahay ee saliidda ee Petrobras, taas oo dacwad oogayaashu ay ugu yeedheen inay tahay musuq-maasuqii ugu weynaa abid ee ka dhaca dalka Brazil.

Ugu yaraan $800 oo million oo dollar ayaa laaluush ahaan loo bixiyey iyo dhaqaale kale oo badan, taas oo ah qandaraasyo laga bixiyey shirkadda Petrobas oo la siiyey shirkadaha waaweyn ee dhinaca dhismaha iyo naqshadaynta

XS
SM
MD
LG