Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fadeexad Loo Heysto Ilaalada Obama


FILE - The White House in Washington, in this Tuesday, Nov. 18,2008 file photo. The Secret Service confirmed Tuesday Nov. 15, 2011 a bullet hit an exterior window of the White House and was stopped by ballistic glass. An additional round of ammunition was
FILE - The White House in Washington, in this Tuesday, Nov. 18,2008 file photo. The Secret Service confirmed Tuesday Nov. 15, 2011 a bullet hit an exterior window of the White House and was stopped by ballistic glass. An additional round of ammunition was

Laba sarkaal oo daraja sare leh, oo ka tirsan hey’adda ilaalada Amaanka Madaxda dalkan Mareykanka ee loo yaqaan US Secret Services ayaa baris ay ku socotaa , iyagoo loo heysto in gaari dowladdu ay leedahay ay jiirsiiyeen xeyndaab dhinaca amaanka ah, mid ka mid ah marinada laga galo Aqalka Cad.

Labadan qof ayaa la sheegay inay gaari ay wateen xoog ku dardarsiiyeen mid ka mid ah marinada laga galo Guriga Madaxweynaha, iyagoo cabsan goor dambe oo habeen aheyd .

Sheekadan oo markii ugu horeysay uu daabacay Wargeyska The Washington Post, Arbacadii shalay , ayaa booliska ka howlgala agagaarka Aqalka Cad iyo Saraakiisha ilaalada Madaxweynaha ay baarayaan walxo laga shakiyay oo laga helay meel ku dhow Aqalka Cad, isla xilliga ay labadan sarkaal gaariga dardarsiinayeen xeyndaabkaas oo horey loo owday.

Saraakiishii Amniga ee goobta ku sugneyd ayaa isku dayay inay xiraan labada sarkaal, hase yeeshee ninkii ugu sareeyay ayaa ku amray in la sii daayo.

Mid ka mid ah labadan sarkaal ayaa lagu sheegay inuu ahaa ninka labaad ee ugu sareeya ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Obama.

Baarista ayaa waxa wada wasaaradda Amniga, oo iyadu dusha kala socota howlaha hey’addan ilaalisa madaxda Mareykanka, kulamada muhimka ah, madaxda shisheeye ee dalkan booqashada ku timaada ,iyo sax ahaanshasha lacagta mareykanka.

XS
SM
MD
LG