Isku xirrada

Dowladda Somalia oo Adeegsaneysa Drone


Dowladda Somalia ayaa sheegtay in markii ugu horeysay dagaalka ay kula jirto Al-shabab u adeegsan doonto dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Droneska.

Afhayeenka wasaaradda Amiga ee Dowladda Somalia Maxamed Yuusuf Cusman ayaa sheegay in dowladdu ay heysato dayuuradahaasi isla markaana sida uu hadalka u dhigay wax qabadkooda la arki doono dhawaan.

Maxamed Yuusuf oo aan kula xiriiray khadka taleefanka ee magaalada Muqdisho ayaan ugu horeyn weydiiyay, bal wax aka jira warar sheegaya in dowladdu ay heshay Dayuurado Drone ah..

Dhinaca kale Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay howlgallo maalmahan ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka wadeen magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG