Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW Somalia oo Gaadhay Dhuusa Mareeb


Ra'iisul wasaare Sharmaarke
Ra'iisul wasaare Sharmaarke

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusa mareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Wafdiga Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa isugu jira xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federalka ah oo uu ku jiro wasiirka arimaha dibadda iyo Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Ethiopia.

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa dhuusa mareeb ku soo dhaweeyay maamulka Gobolka iyo Wasiirka Difaaca oo isagu horey u sii joogay Gobolka, si uu uga qeyb qaato joojinta colaad uu dhiig ku daatay oo dhawaanahan ka oogneyd magaalada Guriceel.

Inta uu joogo Ra’isul wasaaraha Gobolka waxa uu wada hadalo la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiinta gobolka.

Dhinaca kale, Ciidamo ka tirsan kuwa Djibouti ee Amisomn, oo ka tagay magaalada Beledweynana ay gaaray Magaaalada Dhuusa Mareeb, iyagoo qeyb ka ah ciidamo sugayay amaanka wafdiga Ra’isul wasaaraha.

Saraakisha Amniga ee gobolka ayaa VOAda us heegay in ciidamadaasi laga yaabo ina gobolka baaqi ku sii ahaadaan kana qeyb qaataan suggidda amniga.

Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa waxaa ka socda shir la doonayo in maamul loogu dhiso Gobolada Dhexe.

Dhageyso Khudbadda Ra'isul Wasaare Sharmarke ee Dhuusamareeb
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:18 0:00

XS
SM
MD
LG