Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiin: Hala Joojiyo Iskaashiga Amniga Israel


Ururka Xoraynta Falastiin ee PLO ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Falastiin Mohamoud Cabbaas inuu joojiyo iskaashiga dhinaca amniga ee ay la leeyihiin Israel iyaga oo uga falcelinaya tallaabada ay dawladda Israel ku hakisay dakhligii uga iman jiray reer Falastiin Cashuuraha ay gacanta ku hayaan Israa’iiliyiintu.

Golaha dhexe ee PLO ayaa soo jeedintan sameeyey ka dib markii ay laba maalmood kulan lahaayeen.

Waxyaabaha ay hoosta ka xarriiqeen waxaa ku jira waxa ay ugu yeedheen “Israel oo ku guul darraysatay fulinta heshiisyadii labada dhinac u dheeyey”

Madaxweyne Cabbaas illaa hadda kama hadlin inuu hirgelinayo soo jeedimaha PLO sidoo kale Israel weli wax jawaab ah arrintan kamay bixin.

XS
SM
MD
LG