Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dacwad Qaadista Qaraxyadii Boston


Ka dib xulista guddi xeer beegto ah oo socotay muddo 12 bilood ah, ayaa 12 xubnood oo xeer beeg ah iyo lix xubnood oo bedeli doona ayaa u fariistay Talaadadii shalay dacwad toogasho ah oo ka dhan ah JDzhokhar Tsarnaev oo loo heysto qaraxyadii orodokii Marathonka ee Magaalada Boston.

Guddigan ayaa ka koobmay sideed rag ah iyo toban dumar ah.

Waxay isgu jiraan xeer beegta , qof iskii u shaqeysta oo rinjile ah, qof ka shaqeeya hagista dayuuradaha, qof ku xigeen u ah madaxa shirikad dhinaca sharciga ka shaqeysa iyo kalkaaliso horey uga shaqeyn jirtay qolka adeegyada deg degga ah ee Isbitalada.

Hadalada furitaanka ah ayaa loo madlanyahay maanta oo Arbaco ah.

Tsarnaev, 21 sana jir ah ayaa beeniyay dacwada loo heysto.

XS
SM
MD
LG