Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Ciraaq oo Weerar ku Qaaday Tikrit


Ciidamada dalka Ciraaq iyo maleeshiyo ka garab dagaalamaysa ayaa sii wada duullaankooda ka dhanka ah kooxda ISIS meel u dhow Tikrit, waxaana ciidamadani isku deyayaan inay dib u qabsadaan magaaladan oo kooxda ISIS ay qabsatay bishii June ee sannadkii hore.

Ciidamada dhulka ayaa horumar ka sameeyey jihooyin badan, laakiin taliyayaasha ciidamada milateriga ayaa sheegaya in horumarkooda ay hoos u dhigeen miinooyin loogu aasay waddooyinka hareerahooda.

Illaa 30,000 oo ka tirsan ciidamada amniga Ciraaq, Maleeshiyaad Shiico ah iyo Ciidamada Kurdiyiinta ayaa ka qayb gelaya hawlgalkan waxaa sidoo kale qayb ka ah ciidamada Cirka ee dalka Ciraaq oo fulinaya weeraro xagga cirka ah

XS
SM
MD
LG