Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafdi Booqanaya degmada Guriceel


Xaaladda bani’aadminnimo ee dadka barakacay collaadda dhowaan ka dhacday magaalada Guriceel ayaa la sheegayaa inay kasii darayso.

Dadkaasi oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay inaanay weli soo gaadhin wax gargaar ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo uu maanta halkaasi gaadhay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali “Diini” oo booqasho aan hore loo shaacin ku tagay Gobolka Galguduud, waxaana uu kulamo kula leeyahay saraakiisha ciidanka dawladda iyo mas’uuliyiintaba duleedka magalada Guriceel dadaal la doonayo in looga hortago dagaal kale oo ka dhaca magaalada Guriceel.

Weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan oo uu ku eegayo xaalaadda nololeed ee dadkaa uu saameeyay dagaalkii Guri Ceel nooga soo diray Beledweyne, ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixin ku saabsan xaaladda Barakacayaasha Dagaalada Guriceel
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00

XS
SM
MD
LG