Isku xirrada

Muqdisho: Weriyayaal Xukunno lagu Ridday


Weriyayaasha la xukumay

Weriyayaasha la xukumay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday weriyayaal ka tirsan idaacaddaha Shabeelle, Sky FM iyo Risaalla kuwaasi oo lagu eedeeyay inay warar been abuur ah tabiyeen.

Maxkamadda ayaa milkiilaha idaacadda Shabeelle iyo Sky ku ridday xukun ganaax lacageed oo dhan 10-kun oo Dollar, halka weriayayaasha kalena lagu xukumay ganaax lacageed oo u dhaxeeya 500 ilaa 2000 oo Dollar.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay weriyayaashan lagu helay tabinta warar been abuur ah.

Wariyehenna Maxamed Colaad Xassan ayaa Laba ka mid ah afar qareen oo u difaacayay wariyeyaashan, Abukate Cabdikarin Maxamed Somali, iyo Abukate Tahliil Xaaji Axmed, kula xiriiray khadka Taleefanka ee magaalada Muqdisho.


XS
SM
MD
LG