Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Senate-ka oo Ansixiyey Miisaaniyadda W. Aminga


Aqalka Senateka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci muddo hal todobaad ah sii qarash gareynaya hey’adda Amniga Gudaha si looga baaqsado in gebi ahaan howlaha hay’adaasi ay istaagaan.

Sharcigan ayaa hadda ku sii jeeda aqalka wakiilada ee Congresska saacado un ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee lacagaha u haray hey’adda ay ku egyihiin.

Sharciga Lacagaha ku baxa shaqaalaha hey’addan, oo ay ku jiraan ilaalada xuduudaha, shaqaalaha barista ka sameeya airporada iyo xubno ka mid ah ilaalada xeebaha Mareykanka, ayaa waqtigu ka dhacayaa, goor dhow haddii sharcigan soo maray Senateka uusan gudbin Aqalka wakiilada.

Gelinkii hore ee Jimcihii shalay ayaa xubnaha aqalka congresska ay aqlabiyad ku diideen sharci ku meel gaar ah oo muddo sadex todobaad ah sii bixin lahaa qarashaadka hey’adda.

XS
SM
MD
LG