Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo la Kulmaysa Hoos u Dhac Dhaqaale


Kooxda xag-jirka ah ee ISIS ayaa la kulmi doonta hoos u dhac ku yimaada ilaheeda dhaqaalaha haddii aanay u suurtogalin inay qabsato dhul ka ballaaran inta ay hadda haysato, sida ay sheegeyso warbixin cusub oo ay qortay koox Fransiis ah oo daraasad ku sameysa maalgalinta argagixisomimada.

Warbixinta ay qortay hay’adda magaceeda la yiraahdo Financial Action Task Force oo la socotay lacagaha ayaa sidoo kale ka digtay in loo baahan yahay in dunidu wax badan qabato si loo jaro dhaqaalaha ay hadda hesho kooxda ISIS, kaasoo haga qaybo badan oo ka mid ah Iraq and Syria.

Kooxda xajirka ah ee ah muslimiinta sunniga ah ayaa inta badan ilaheeda dhaqaale uu ka yimaadaa dhaq dhaqaaqyada dambi iyo cadaadis ee ay ka sameyso gudaha dhulalka ay ka taliso kooxda, sida ay sheegyso warbixinta oo la baahiyay Jimcahan.

XS
SM
MD
LG