Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ammaanka Mall of America oo la Adkeeyey


Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka Jeh Johnson, ayaa sheegay in Maraykanku uu si dhab ah u qaadanayo hanjabaadda ka soo baxday Al-Shabaab oo ku baaqday in la weeraro Suuqyada ku yaalla waddamada reer Galbeedka, waxaanu Johnson sheegay inay ka digtoonaan doonaan hanjabaaddaas oo ay xaqiiqsanayaan​

Xoogagga Amaanka ee dalkan Maraykanka ayaa qaadday talaabooyin ay ku adkeynayaan amniga goobaha ganacsiga ee dalka, ka dib hanjabaad toddobaadkan ka timid ururka Alshabab ee Somalia.

Ururka ayaa ku hanjabay inuu weerari doono goobaha ganacsiga ee waaweyn ee dalalka reer Galbeedka, isaga oo si gaar ay u carrabaabay goob ganacsi oo ah ta ugu weyn Woqooyiga Maraykanka oo lagu magacaabo Mall of American. Goobtan ayaa ku taalla gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota.

Haddaba Maxamed Cabdi Sandhere ayaa cabsida dhinaca amniga ka wareystay Cabdiraxmaan Diiriye Nuur oo ah wariye madax-banaan kana shaqeeya Mall of America. Cabdiraxmaan waxa uu marka hore ka hadlayaa Mall-ka iyo tirada dadka ee u shaqo tagta.

Mall of America
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:20 0:00

XS
SM
MD
LG