Isku xirrada

London: J. Kerry oo la Kulmay Philip Hammond


Dalalka Maraykanka iyo Britain ayaa Sabtidii shalay ka dooday sidii cunaqabateyno dheeraad ah loo saari lahaa dalka Ruushka, iyada oo xabbad joojintii toddobaadka jirtay ee dalka Ukraine ay ku dhawdahay inay burburto.

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa London kula kulmay dhigiisa Britain Phillip Hammond, isaga oo sheegay in Madaxweyne Obama uu maalmaha soo socda go’aan ka gaari doono cunaqabateyno cusub oo la xiriira xadgudubka lagu sameeyey xabbadjoojintii lagu ballamay.

Kerry ayaa sheegay in uu kalsooni ku qabo in Maraykanka iyo xulufadiisu ay si weyn arrintaas uga jawaabi doonaan. Waxa uu intaas ku daray in hubeynta ciidanka Ukraine ay tahay taxgalin kale oo ay Washington eegayso.

XS
SM
MD
LG