Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadaladii Nuclear ka Iran oo la isku Maandhaafay.


Zarif-Kerry
Zarif-Kerry

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Keryy ayaa sheegay in wali uu jiro kala duwaansho weyn oo ku saaban wadaxaajoodka

barnaamijka nuclearka ee Iran. Hadalkan ayaa Kerry uu Sabtidii shalay ka sheegay magaalada Geneva oo uu wadahadal kula lahaa saraakiil reer Iran ah.

Waxa uu sheegay in wali ay jirto masaafo dheer, waxana uu intaas ku daray in haddii aan heshiis la gaarin xiliga la qabtay oo ah 31 bisha March aan wadahadalada la sii dheerayn Karin.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Obama uuna u heelaneyn in xiliga wadahadalka laga sii dheereeyo waqtigii markii hore loo qabtay.

Xoghaye Kerry ayaa la kulmi doona dhigiisa reer Iran Maxamed Jawaad Thariif si u eego in labada dhinac ay kala duwanaanshaha u dhexeeya wax ka beddeli karaan.

XS
SM
MD
LG