Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Djibouti oo Xamar Gaadhay


Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Xasan
Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Akadeemiyad Goboleedka Daryeelka afka Soomaaliga, kaasi oo laga dhisayo degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Safarka Madaxweyne Geelle ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii qarax xooggan loo geystay Central Hotel oo ku yaalla magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen illaa 25 qof.

XS
SM
MD
LG