Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Waraysi Gaar ah: Wasiirka Dhaqanka ee Djibouti


Adan Hasan Adan
Adan Hasan Adan

Kulan ay ka soo qayb galeen in ka badan lixdan dawladood ayaa ka dhacay dalkan Maraykanka kaas oo lagaga hadlayey arrimaha Xagjirnimada, waxaana soo abaabushay dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay kulankaas.

Haddaba wufuudda ka qaybgashay kulankan waxaa ku jiray Wafti ka socda dalka Djibouti, Wasiirka Dhaqanka, Diinta iyo Awqaafta Djibouti Aadan Xasan Aadan oo hoggaaminayey Weftigaasi ayaa nagu soo booqday xarunta weyn ee VOA, waxana wehelinayey Sii-haya Safaarada Djibouti ee Washington Ciise Daahir Buraale.

Waxaana wufuudii ka qayb gashay shirkaasi ka mid ahaa Wasiirka Dhaqanka, Diinta iyo Awqaafta ee Djibouti Aadan Xasan Aadan oo hoggaaminey wefti ka socday dalka Djibouti.

Haddaba Wasiirka oo uu wehelinayey sii hayaha Safaaradda Djibouti ee Washington Ciise Daahir Buraale ayaa nagu soo booqday Xarunta weyn ee VOA; Wasiirka Dhaqanka ee Djibouti oo aan waraysi la yeelanay ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobada kulankaas lagaga hadlayey, hindise dawladda Djibouti wado oo la doonayo in wax lagaga qabto dhalinyarada ku biiraysa ururka Alshabaab, iyo weliba qodobo ku saabsan dalka Djibouti.

Adan Hasan Adan Wasiirka Dhaqanka ee Djibouti iyo Issa Boraleh Sii-hayaha Safaarada Djibouti ee Washington
Adan Hasan Adan Wasiirka Dhaqanka ee Djibouti iyo Issa Boraleh Sii-hayaha Safaarada Djibouti ee Washington

Haddaba qaybtan hore ee Waraysiga aan la yeelanay Wasiirka Dhaqanka, Diinta iyo Awqaafta ee Djibouti Aadan Xasan Aadan ayuu kaga hadlayaa qodobadii lagaga hadlay shirkii ka dhacay dalkan Maraykanka iyo doodihii kala duwanaa ee laga jeediyey arrinta Xagjirnimada Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa waraysiga la yeeshay.

Waraysiga Wasiirka Dhaqanka ee Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:05 0:00

XS
SM
MD
LG