Isku xirrada

Golaha Ammaanka ee QM oo Libya ka Shiraya


Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacada maanta ah kulan degdeg ah ka yeelanaya dhibaatada ka taagan dalka Libya. Dalkaas ayaa la daalaa dhacaya deganaansho la’aan siyaasadeed, iyada kooxo hubeysan iyo xukuumadda uu caalamku taageero ay awood iyo dhulba ku dagaalamayaan.

Dalka ay dariska yihiin ee Masar ayaa arrinta Libya faraha la galay toddobaadkan, ka dib markii ururka IS uu qoorta ka gooyey 21 masiixiyiinta reer Masar ah oo Libya ku sugnaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Saamix Xasan Shukri Seliim ayaa Talaadadii warbaahinta u sheegay, isgaa oo ku sugan magaalada New York, in diblomaasiyiinta Carabtu ay ka shaqeynayaan qaraar lagu joojinayo hubka gaaraya maleeshiyooyinka hubeysan ee dalka Libya oo soo jiray ilaa sanadkii 2011kii markii hogaamiyihii dalka Mucammar AlQadaafi xilka laga tuuray.

XS
SM
MD
LG