Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka iyo Iran oo Waraaqo is Dhaafsaday


Hoggaamiyaha sare ee dalka Iran iyo madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa is weydaarsaday waraaqo xilli labada dhinac ay isku deyayaan inay heshiis ka gaadhaan arrinta hubka Nucliyeerka dalka Iran, waxaana warkan lagu daabacay jariirada Wall Street Journal.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa qoraal u soo diray Madaxweynaha dalka Maraykanka toddobaadyadii inna soo dhaafay isaga oo kaga jawaabaya waraaq uga timi Madaxweyne Obama bishii October taas oo xukuumadda Maraykanku ay ku sheegtay inay suuro gal tahay in dalka Maraykanka iyo Iran ay iskaashi ka yeeshaan dagaalka ka dhanka ah ISIS haddii heshiis laga gaadho arrimaha hubka Nuclearka dalka Iran.

Diplomaasi u dhashay dalka Iran oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo ayaa u sheegay wargeyska The Wall Street in jawaabta hoggaamiyaha sare ay ahayd Ixtiraan.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya inay jirto waraaq mar hore uu hoggaamiyaha Iran u soo diray Madaxweyne Obama sida uu baahiyey wargeyskani.

XS
SM
MD
LG