Isku xirrada

War Deg-Deg ah

11 Askari oo lagu dilay bariga Ukraine


Ciidamada Milateriga dalka Ukraine ayaa sheegay inay dhinteen ilaa 11 askari sidoo kalena la dhaawacay illaa 40 kale ka dib dagaallo ka dhacay bariga dalka Ukraine maalintii shalay, inkasta oo la gaadhay heshiis xabbad joojin ah haddana weli heshiiskaasi muu dhaqan gelin.

Saraakiil dhinaca Milateriga ah ayaa sheegay in dagaalladu ay si gaar ah uga dhacayeen magaalada Dekedda ee Debaltseve.

Heshiiska xabbad joojinta waxaa wada saxeexay wakiilo kala metelaya Xukuumadda Ukraine, Mucaaradka Ruushku Taageer, Xukuumadda Ruushka iyo weliba Ururka Iskaashiga Amniga ee midawga Yurub, waxaana heshiiskani yimi ka dib wadahadalo qaatay illaa 16 saacadood oo ka dhacay dalka Belarus.

XS
SM
MD
LG