Isku xirrada

Martida: Saamaynta Joojinta Xawaaladaha


Lacag gaadhaysa illaa 200 Milyan oo Dollar oo sannad walba Somalida degan Maraykanku ay u diraan Somalia ayaa qarka u saaran inay joogsadaan ka dib markii baanan lacagahaasi wareejin jiray ay sheegeen inay adeeggaas xidhayaan.

Waxaa isasoo taraya dadaal ay wadaan Soomaalida, hay’adaha gargaarka yo xubno ka tirsan Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka oo lagu doonayo in lagaga hortago in la gooyo jidkaas ay sahaydu u marto dadka Soomaalida.

Haddaba saamayn intee le’eg ayay tallaabadani - haddii ay dhaqan gasho ay -ku yeelaaysaa nolosha dadka Soomaalida ah? Waa mowduuca barnamaijka Martida Makrafoonka waxaana marti ku ah Faaudmo Jaamc Jibriil oo aasaastay hay’adda gargaarka ee ADESO African Development Solutions.

XS
SM
MD
LG