Isku xirrada

Nairobi: Xildhibaan Toogasho lagu Dilay


George Muchai oo ah xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Kenya ayaa Sabtida maanta ah lagu dilay magaalada Nairobi. Xildhibaanka oo ka tiranaa xisbiga Kabete ayaa toogasho lagu dilay, isaga iyo labo ilaaladiisa ka mid ahaa iyo waliba wadihii baabuurkiisa.

Mr. Muchai ayaa rag hubeysani ay weerareen, xilli uu ka soo noqday kulan ay qoyskiisu lahaayeen.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shegay in, sida hadalka uu u dhigay, uu aad uga argagaxay, kana murugooday, dilkii dhacay. Waxa uu sheegay in filayo in booliisku uu adeegsan doono dhamaan awoodiisa, si dableydii dilka geysatay sida ugu dhakhsaha badan loogu soo qabto.

Hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa cambaareeyey dilka xildhibaanka, isaga oo sheegay in uu qeyb ka yahay gacan ka hadal siyaasadeed oo baahsan iyo amni la’aan Kenya ka jirta.


Kenya ayaa muddaba la il-darreyd rabshado lala xiriirinayey ururka Islaamiga ah ee Alshabab.

XS
SM
MD
LG