Isku xirrada

Ashton: Waxan Doorbidayaa Hub la Siiyo Ukraine


Carter Ashton oo ah ninka uu Madaxweyne Obama u soo xulay inuu beddelo Wasiirka Gaashaandhigga Chuck Hagel ayaa Arbacadii shalay sheegay in la eegayo in hubka culculus ee dagaalka la siiyo dalka Ukraine ee dagaalka kula jira kooxaha goonigoosadka ah ee Ruushka taageerada ka helaya. Arrintan ayaa timid iyada oo 3 ergey oo heerkoodu sareeyo oo Maraykanka ahi ay u socdaalayaan Yurub si ay wadatashi uga soo yeeshaan dhibaatada jirta.

Carter Ashton ayaa xubno Aqalka Senateka ka tirsan u sheegay inuu isagu door bidayo in hubka dagaalka la siiyo Ukraine, iyada oo waliba ay arrintaas diiddan yihiin xulufada Maraykanka sida Faransiiska iyo Jarmalku. Hase yeeshee Carter ayaa isla xubnihii Senateka ka socday u sheegay in cadadaadiskii dhaqaale iyo kii siyaasadeed ee Ruushka saarnaa uu sidiisii sii ahaado

XS
SM
MD
LG