Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Weeraray Sarkaal Shabab ah


Wasaaradda dicaaca Maraykanka ayaa sheegtay in weerar duqeyn ah oo Sabtidii ay fulisay diyaarad drone ah lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab meel dhinaca koonfureed ka xigta Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda Difaaca, John Kirby ayaa sheegay in weerarka lala eegtay Yuusuf Deeq oo ah madaxa howlgallada dibedda iyo qorsheynta sirdoonka iyo amniga ee ururka al-Shabaab

Kirby wuxuu sheegay inaanu wali xaqiijin karin if weerarkaasi uu wax ku noqday Yusuf iyo in kale, balse wuxuu sheegay haddii weerarkaasi uu ahaa mid lagu guuleystay ay taasi dhabarjab weyn ku noqon doonto shabakadda argagixisada ee al-Shabab. Maraykanka ayaa weerarro xiriir ah la beegsaday bilihii la soo dhaafay hoggaanka ururka al-Shabab.

Bishii December, wasaaradda difaaca ee Pentagon-ku waxay xaqiijisay in Maraykanku uu weerar ku dilay Tahliil Cabdishakuur oo ahaa madaxii sirdoonka al-Shabaab. Sidoo kale 1-dii bishii September Maraykanku waxay weerar ku dileen hoggaamiyihii ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

XS
SM
MD
LG