Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku Dhimatay Doon ku Degtay Yemen


19 qof oo Soomaali ah oo hal qoys ka soo jeeda ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen dooni ku dagtay xeebaha Yemen. Doontan oo ka baxday Djibouti waxaa kaloo ku dhintay 17 Ethiopian ah.

Dooni waxaa saarnaa 49 qaxooti ah oo isugu jira Soomaali iyo Ethiopian

Wasaaradda gashaandhiga ee Yemen ayaa sheegtay in la soo bad-baadiyay 13 qof , oo 10 ay Ethiopian yihiin, halka 3 kalena ay Soomaali yihiin.​

Saleebaan Maxamuud Dacar oo ka mid ah 3 Soomaalida ah ee la bad-baadiyay ayaa VOA wareysi siiyay isagoo ku sugan xerada Al-Kharaz ee Yemen.

Saleebaan wuxuu sheegay in isaga iyo xaaskiisa oo 9 bilood oo xaamilo ah iyo wiil kale Soomaali ah ay bad-baadeen, halka ay dhinteen 19 Soomaali ah , oo 18 ka mid ah ay ka soo jeedaan hal qoys.

Weriyaha VOA Sanca Jacfar Kuukaay ayaa wareystay Saleebaan Muxumed Dacar.

Waraysiga oo dhan qaybta hoose ee boggan ka dhegayso:

Dhegayso: Waraysi ku saabsan doonta ku degtay Yemen
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00

XS
SM
MD
LG