Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Madaxeedka AU oo Saakay ka Furmaya Addis Ababa


Shir madaxeedka 24aad ee Madaxweynayaasha ururka Midowga Africa ayaa saakay ka furmaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Ethiopia.

Madaxweynayaasha iyo masuuliyiin kale oo matalaya dalalka xubnaha ka ah ururka Midnimada Africa ee AU, oo uu ku jiro Madaxweynaha Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ka qeyb galaya shirkan .

Inkastoo hal ku dhegga shir madaxeedka sanadkan 2015ka uu yahay xoojinta dumarka, ayaa haddana colaadda meelo kala duwan oo qaaradda ah ka jirta,, gaar ahaan gacan ka hadalka kooxda Boko Xaram ee dalka Nigeria, iyo dadaalada loogu jiro xakameynta cudurka Ebola ay yihiin agendayaasha ugu waaweyn ee shir madaxeedka.

Shalayna waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacay shir ay lahaayeen madaxweynayaasha urur goboleedka IGAd.

Shirkaas oo ay albaabada u xiraayeen waxaa agendaha looga hadlayay uu ahaa xaaladda Suudaanta Koonfureed.

XS
SM
MD
LG