Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixinta Sannadlaha ah ee Human Rights Watch


World 2015 HRW
World 2015 HRW

Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay warbixinteeda sannadlaha ah ee lagu eego xaaladda daryeelka xuquuqda aadamaha ee dunida.

Warbixintan oo maanta soo baxday ayaa ah tii shan iyo labaatanaad ee ay hay’addu soo saarto , waxaanay ka koobantahay 656 bog .

Warbixintan ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda xuquuqda aadamaha ee 90 dal .

Ha’ydda ayaa guud ahaan xukuumadaha caalamka ku sheegtay inay gaf weyn galayaan marka ay iska indhatiraan xuquuqda aadamaha gaar ahaan marka ay doonayaan inay ammaanka sugaan.

Caqabadaha ugu waawayn ee ay warbixintu sheegtay ayaa waxaa ka mid ah soo if baxa kooxda argagixisada ah ee DAACISH .

HRW ayaa sheegtay in ka hortagga ururkaasi DAACISH uu dhaliyay in dhinac la iska dhigo ilaalinta xuquuqda aadamaha .

Dhinaca kale waxay warbixintu sheegtay in Daacish ay ka faa'iidaysatay amni la’aanta ka dhalatay ciraaq markii uu Maraykanku ka baxay iyada oo taasi ay keentay in dagaalka ku salaysan madaahibta uu sii xoogaystay, iyada oo xukuumadda ciraaqna ay la safatay dadka aaminsan mad-habta shiicada taasi oo ay caalamkuna iska indhatireen.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in talaabadaasi ay keentay in DAACISH ay hesho taageero iyo marmarsiiyo ay ku fuliso falalka argagaxisada ah.

Dalka Nigeria ayaa warbixinta HRW waxay xustay in kooxda Booko Xaaraam ay gaysanayaan falal bahalnimo ah oo ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyaga oo qarxinya suuqyada dugsiyada iyo masaajidada, waxaana taasi keentay in ciidamada dawladdu ay kaga jawaabaan falal kale oo iyaguna xadgudub ku ah xuquuqda aadamaha.

Dalka Maraykanka ayay warbixintu sheegtay in Congressku uu soo bandhigay warbixin muujinaysa in hay’adda sirdoonka ee Maraykanku ay adeegsato jidh dil.

Madaxweyne Obama ayay HRW sheegtay in uu ku gacansaydhay warbixintaasi, waxaanay warbixintu walaac ka muujisay in talaabada uu madaxweyne Obama isaga indhatiray jidhdilka ay CIA-du samayso inay horseedi karto in madaxweynayaasha ku xigaana ay iska indhatiraan iyaga oo jidhdilka u arka inuu yahay talaabo siyaasadeed ee aanu ahayn fal dambiyeed.

Dhinaca dalka Somalia ayay warbixintu xustay Kooxaha hubaysan ee Soomaaliya mudada dheer ku dagaallamaya inay wali sii wadaan inay shacabka barakiciyaan, dilaan oo ay dhaawacaan.

Xannibaada saaran in gargaar la siiyo dadka ayaa sii badinaya dhibaatooyinka xuquuqul insaanka iyo kuwa gargaar bixinta.

Kooxda hubaysan ee Islaamiga ah ee Al-Shabaab ayay HRW sheegtay in sanadkii 2014-ka isaga baxeen magaalooyin badan kadib markii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidammada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dagaal wadajir ah ku qaadeen.

Hase ahate HRW ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weli gacanta ku hayso dhul badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka fuliyaan xukuno dil ah, garaac iyo xanibaadda xuquuqda asaasiga ah.

Al-Shabaab ayaa weerarro lagu hoobtay ku qaaday goobaha ay dowladda ka taliso sida Muqdisho, oo waxa ay bar tilmaameedsatay dad shacab ah oo ka mid yihiin xubnaha baarlamaanka iyo saraakiil kale.

Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, askarta Midowga Afrika iyo maleeshiyaad taabacsan ayaa warbixinta HRW ay ku eedaysay inay mas’uul ka yihiin weeraro aan kala sooc lahayn, tacaddiyo galmo iyo qabqabasho iyo xiritaano sharci darro ah.

Gabagabadii ayaa warbixinta sanadlaha ah ee HRW waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu guul daraysatay inay sugto ammaanka iyo xuquuqda aadanaha ee goobaha ay ka taliso.

HRW ayaa sheegtay in Amni darada ka jirta goobaha ay dowladda ka taliso oo ay Muqdisho ka mid tahay, is qabqabsiyada iyo isku shaandhaynta siyaasadeed ay hoos u dhigeen guulihii laga gaaray garsoorka iyo isbadeladii lagu samayn lahaa waaxda amniga.

HRW ayaa sheegtay Dadaalda siyaasadeed ee lagu doonayay in lagu sameeyo maamulo federaal ah aymeelaha qaar ka dhalinayaan dagaalo beeleed.

XS
SM
MD
LG