Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jordan oo Maxbuus Dhaafsaneysa Duuliye


Wasiirka Warfaafinta ee Jordan ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay dhaafsato qof looga shakiyay argagixisanimo oo ku jira xabsi ku yaala dalkaasi, duuliye u dhashay Jordan oo ay heystaan dagaalyahanadda ISIS .

Mohammad al-Momani ayaa hadalkan kaga dhawaaqay Telefishinka dalkaasi maanta oo Arbaca ah, iyadoo uu soo dhawaaday waqti kama dambeys ah oo ay kooxda Daacish u qabatay inay ku gowraceyso duuliyahan.

Al-Momani ayaa yiri “ hadii duuliyaha , gaashaanle Mu'ath al-Kaseasbeh,la sii daayo isagoo aan waxba la gaarsiin, xukumadda Jordan waxey wareejineysaa Sajida al-Rishawi, oo ah haweeney u dhalatay dalka Ciraaq oo lagu helay inay qeyb ka aheyd dadkii maleegay weeraradii argagixiso ee 60ka qof ay ku dhinteen ee sanadkii 2005tii ka dhacay magaalada Camaan ee xarunta dalka Jordan”.

Al-Momani ma uusan soo hadal qaadin la heystaha kale, wariyaha u dhashay dalka Japan, Kenji Goto, oo isna sidoo kale ay ISIS ku hanjabtay inay dileyso.

Xukumadda Japan ayaa ka codsatay Jordan inay gacan ka geysato sidii loo sii deyn lahaa wariyahaasi.

Hoyada dhashay Goto ayaa maanta oo Arbaca ah sii deysay codsi qoraal ahaa oo ku socday ra’isul wasaaraha Japan Shinzo Abe,iyadoo ka codsatay inuu wax walba sameeyo si uu u soo badbaadiyo wiilkeeda, oo ay sheegtay inuusan cadow ku aheyn Islamka.

Sabtidii, ayaa Kooxda ISIS waxey sii deysay muuqaal fidiyow oo muujinayay Wariye Goto, oo wata sawirka laheyste kale oo u dhashay Japan, Haruna Yukawa, oo sida muuqata ay gowraceen.

Muuqaalkaasi fidiyow ayaa qofka codeeyay waxa uu si toos ah ugu eedeeyay ra’isul wasaare Abe, inuu masuul ka yahay dhimashada.

Kooxda Daacish, oo hadda maamusha sadex meelood meel dhulka Syria iyo Ciraaq ayaa ku hanjbatay todobaadkii tagay inay qudha ka jareyso laheystaasha reer Japan, hadii aan la siin lacag madax furasho ah oo ay ku dooneyso oo gaareysa $200 malyuun.

XS
SM
MD
LG