Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbullah: Kolonyada Isreal Inagaa Weerarnay


Hîzbullah: Emê Hikûmeteke Hevalbendîyê Damezrînin
Hîzbullah: Emê Hikûmeteke Hevalbendîyê Damezrînin

Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa shegatay masuuliyada weerar maanta oo arbaco ah lagu qaaday gaadiid kolonyo ah oo ay Isreal laheyd., weerarkaas oo u muuqday in Xizbullah ay kaga aar gudaneysay duqeyn cirka ah oo ay Isreal ku dishay lix ka mid ah dagaalyahanadda kooxda iyo Jeneraal u dhashay Iram.

Afhayeen u hadlay Milatariga Isreal oo la yirahdo, Peter Lerner ayaa sheegay in weerarkan oo dhacay maanta oo arbaca ah sidoo kale uu ka mid ahaa gantaal nooca lidka taangiyada ah oo lala helay gaari marayay Buurta Mount Dov, ee xadka Isreal iyo Lubnan . ciidamada Isreal ayaa markaa ku jawaabay madaafiicda gobta.

Weli cid wax ku noqotay weerarka lama soo sheegin.

Xisbullah ayaa taageerta xukumadda Madaxweyne Bashaar al-Asad ee Syria, waxeyna horey ugu dirtay dagaalyahanno gacan ka siiya dagaalka sokeeye ee ku dhawaadka afarta sanadood ka socda.

Dagaalada ka socda gudaha Syria ayaa mararka qaar ku soo fidiyay xadka Isreal, gaar ahaan buuraleyda Golan Heights.

XS
SM
MD
LG