Isku xirrada

Zakariye: Waan ka Tanaasulay Fikirkii Shabaab


Zariya Ismaaciil Xirsi

Zariya Ismaaciil Xirsi

Zakariye Ismaaciil Xirsi, taliyihi dhinaca sirdoonka ururka al-Shabaab oo bishii hore ka soo goostay ururka ayaa Muqdisho ka sheegay inuu nabadda qaatay kana tanaasulay fikirkii al-Shabab.​

Zakariye oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inuu nabadda qaatay, wixii imika ka danbeeyana uu mabaadii'diisa ku gudbin doono qaab nabadeed, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay xubnaha ku sii haray ururka al-Shabaab inay xagjirnimada joojiyaan oo fikirkooda qaab nabdoon ku gudbiyaan.

XS
SM
MD
LG