Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA iyo India oo Heshiisyo kala Saxeexday


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha India Narendra Modi ay gaareen “horumar weyn” oo ku saabsan heshiis muddaba la isku mari la’aa oo ku saabsan awoodda nuclearka.

Mr. Obama ayaa hadda u sugan magaalada New Delhi, waana madaxweynihii ugu horeeyey abid ee ka qeyb gala maalinta qaranimada ee dalkaas.

Maraykanka ayaa India heshiis la saxeexday sanadkii 2008dii, kaas oo India u ogolaanayaa teknolojiga nuclearka aan hubka ahayn. Hase yeeshee, dhaqan galintii ayaa waxa hakiyey sharci India ay leedahay oo sheegaya in shirkadaha sameynaya mashruucyadan, isla markaana keenaya qalabka ay mas’uul ka noqdaan wixii dhaca, haddii shil yimaaddo.

Labada dhinac ayaa Axaddii shalay ku heshiiyey inay la sameeyo lacag ceymis ah oo malaayiin dollar ah, taas oo aan India ku qasbeynin inay sharcigeeda beddesho.

Faahfaahinta lacagtan ayaanan wali caddeyn. Hase yeeshee, madaxweyne Obama ayaa heshiiskan Axaddii shalay la gaaray ku sheegay talaabo mihiim ah oo muujinaysa in labada dhinac ay wada shaqeyn karaan si ay xiriirkooda ay u wanaajiyaan.

XS
SM
MD
LG