Isku xirrada

Booqashadii Erdogan ee Muqdisho


Madaxweynaha Turkey Recep Dayyib Erdogan ayaa booqday Muqdisho, si uu u furo mashaariic ay Turkey ka hirgaliyeen Somalia. Erdogan ayaa xadhiga ka jaray terminaalka cusub ee garoonka diyaaradaha Muqdiosho.

Sidoo kale madaxweynaha Turkey wuxuu dib u furay cisbitaalka Digfeer oo ay dayactirtay dowladda Turkey.

Amniga Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamadu xireen dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada. Erdogan oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Turkey ay sii wadayso mashaariicda iyo taageerada Soomaaliya.

Recep Erdagon wuxuu sheegay in 10 kun oo guri ay ka dhisi doonaan laba sannadood ee soo socota magaalada Muqdisho, sidoo kalena ay dowladdiisu Muqdisho ka dhisan doonto safaarad weyn.

Waa safarki labaad ee Erdogan uu tago Soomaaliya, isagoo markii uu ra'iisul-wasaaraha ahaa Soomaaliya booqday sannadkii 2011-kii wakhtigaasi oo ay Soomaaliya ka jirtay abaar iyo macluul ba'an.​

XS
SM
MD
LG