Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo ka Socda Dalka Yemen


Kumanaan reer Yemen ah ayaa Sabtida maanta ah ku dibadbaxay kooxda falaagada Shiicadaha ah ee Xuuthiyiinta. Arrintan ayaa timid labo maalmood ka dib markii uu xilka ka degay madaxweynihii dalka Cabd Rabu Mansuur Haadi.

Dad goobjoog ah ayaa sheegay in dibadbaxayaashu ay socodkooda ka soo bilaabeen fagaare u dhow Jaamacadda Sanca, iyaga oo u lugeeyey dhinaca guryo ay madaxda dalku deganaayeen.

Jimcihii ayaa sarkaal sare oo Maraykan ah oo dhinaca amniga ahi uu sheegay in la hakiyey hawlgaladii ka hortagga argagixisida, ka dib markii ay dhacday xukuumaddii uu Maraykanku taageeri jiray.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay saddex sarkaal oo Maraykanka ah, kuwaas oo sheegay in la joojiyey hawlgalada argagixiso la dirirka oo dayuuradaha drones-kuna ay ku jiraan. Wali ma cadda ilaa goorta ay hawlahani hakad ku sii jirayaan.

XS
SM
MD
LG