Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boko Xaram oo Dad ka Afduubtay Cameron


Saraakiil u dhashay dalka Cameroon ayaa sheegay in ururka Boko Xaraam uu Axaddii shalay afduubay ugu yaraan 60 qof, xili uu ka soo gudbay xadka uu dalkaasi la leeyahay dalka Nigeria.

Saraakiisha ayaa sheegay in dhowr qof oo isku dayey inay horjoogsadaan afduubka la dilay, iyada oo ugu yaraan 80 gurina la gubay oo dhulka lala simay.

Wasiirka Warfaafinta ee Cameroon Issa Tchiroma Bakay ayaa afduubka ugu yeeray fal barbari ah, sharcina aan ku fadhiyin. Waxa uu intaas ku daray in ururka Boko Xaraam ayna waxba ka horjoogsan karin inuu dil geysto.

Dadkii afduubka loo geystay oo ay caruurina ku jirtay ayaa yimid, maalin ka dib markii dalka Chad uu kumanaan ciidankiisa ah u diray dalka Cameroon si ay dalkaas uga taageeraan dagaalka uu ururka Boko Xaraam kula jiro. Madaxda Afrika ayaa sheegay in ururka Boko Xaraam oo dalka Nigeria ka sameysmay ay si dhakhso khatartiisu ugu faafeyso gobolka oo dhan.

XS
SM
MD
LG