Isku xirrada

Baarlamaanka oo Diiday Codsiga R/wasaaraha


Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod ku diiday dalab uga yimid Ra’iisal Wasaarha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, kaasi oo baarlamaanka uga codsaday in wakhtiga kalsoonida loo qaadayo xukuumaddisa dib loo dhigo ilaa 22-ka bishan, halka markii hore ay ahayd maalinta Sabtida oo 17-ka bishan ka beegan.

Coddeyn loo qaaday dalabka ayaa 120 Mudane ay Maya ugu coddeeyeen, halka 57 mudane ay oggolaadeen.

Dhinaca kalena, qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa Muqdisho ka wada kulamo iyo shirar gaar-gaar ah oo ay isku xulafaysanayaan, iyagoo doonaya inay ka soo horjeestaan xukuumadda Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.

XS
SM
MD
LG