Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warmurtiyeedka Shirkii Wasiirada IGAD


sawir
sawir

Warmurtiyeed laga soo saaray shirka Wasiirada Arimaha Dibadda ee ee IGAD ee Muqdisho ka dhacay ayaa lagu sheegay in Urur Goboleedka IGAd uu dib u xaqiijinayo xushemeynta qaranimada dhuleed,madaxbanaanida siyaasadeed iyo midnimada Somalia

Shirku wuxuu soo dhaweeyay dadaaladii ay sameysay dowladda Federalka ah ee Somalia kuwaa oo horseeday in xal loo helo mushkiladii siyaasadeed ee dhawaan Madaxda Somalida ka dhex oogantay, wuxuuna u hambalyeyay Ra’isul Wasaaraha cusub Cumar Cabdirashid oo ay sheegeen wasiirada IGAD in looga fadhiyo abuurisa jawi siyaasadeed deggan oo Somalia ay ku gaarto higsiga 2016ka.

Waxaa sidoo kale Shirka Wasiirada Arimaha Dibadda ee dalalka IGAd uu soo dhaweeyay guulaha ay Somalia ka gaartay dhinaca amaanka iyo hirgelinta maamulada ku meel gaarka ah ee federaliga ah, sida Maamulka Jubba iyo kan Koonfur Galbeed, waxaa sidoo kale ay booriyeen in maamulka Gobolada dhexe, iyo kan Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

War murtiyeedka shirka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Federalka ee Somalia ay leedahay hogaanka iyo qabanqaabada dhismaha maamulada KMG ah ee gobolada, isla markaana ay mudnaanta siiso amaanka iyo xasilinta gobolada.

Shirku wuxuu cabaareeyay weerarkii dhawaan ay al-shabab ku qaaday Xarunta Amisom ee Xalane ee magaalada Muqdisho iyo weerarada sii socda ee ay kooxdu ku heyso dadka rayidka ah, waxeyna wacad ku mareen wasiiradu inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ilaa nabad lagu kalsoonaan karo ay ka hirgasho Somalia.

Waxey ka codasadeen dowladda Somalia iyo ciidamada Amisom in la sii balaariyo howlgalada lagu baacsanyo Al-shabab.

Ugu danbeyntii Wasiiradu waxey ku booriyeen dowladda Somalia inay la timaado qorshaha la macaamilka maamul goboleedyada Federalka, gaar ahaa sidii la isugu dhafi lahaa ciidamada Qaran iyo dhismaha ciidamada booliska ee gobolada.

Waxey dhinaca kale amaaneen wada hadalada u socda dowladda Somalia iyo Somaliland., isla markaana ay ka mahadceliyeen doorka Turkiga iyo Djibouti ee wadahadalada.

Wasiiradu waxey soo jeediyeen in Shirka madaxweynayaasha dalalka IGAd ee so socda lagu qabto Magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG