Isku xirrada

Weerar Labaad oo ka dhacay Paris


Koox hubaysan ayaa dad ku haysata goob laga dukaamaysto oo ku taalla magaalada Paris, xilli ciidamada ammaanka ee dalka Faransiisku ay xidheen dhinaca woqooyi ee magaalada Paris, halkaas oo lagu hareeraysan yahay laba nin oo walaalo ah oo ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Wargeyska Charlie Hebdo kuwaas oo loo badinayo inay haystaan ugu yaraan hal qof oo ku sugnaa goobta ay ku dhuumanayaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ayaa sheegay in qof ka mida dadka la aaminsan yahay inay weerareen goobta laga dukaamaysto lagu magcaabo Amedy Coulabaly kaas oo da’diisa lagu sheegay inuu jiro 32 sano, waxaana la aaminsan yahay in qofkani hore toogasho ugu geystay haweenay ka tirsan ciidanka booliska maalintii khamiista.

Laamaha ammaanka ayaa baadi goobaya qofkale oo la socday taas oo ahayd haweenay lagu magcaabo Hayet Boumddienne.

Warar laga helayo ciidanka booliska ayaa xidhiidh ka dhexeysiiyey labada weerar ee kala duwan ee ka kala dhacay dalka Faransiiska Shalay iyo maanta.

Ciidamada ammaanka dalka Faransiiska ayaa ku hareeraysan labadii wiil ee walaalaha ahaa ee weerarka ku qayday wargeys ka soo baxa dalkaas, waxaana la sheegayaa in ugu yaraan ay haystaan hal qof.

XS
SM
MD
LG