Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaabiistii u badnayd ayaa laga sii daayey Guantanamo Bay


Maraykanka ayaa sannadkii dhammaaday sii daayey maxaabiis badan oo ku xidhnayd Xabsiga uu leeyahay Milateriga Maraykanka ee Guantanamo Bay, Cuba.

Maxabiistii ugu dambaysay ee laga sii daayo xabsiga Guantanamo ayaa la sii daayey bishii December 30-keedii; Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka ayaa sheegtay in

Saddex maxbuus oo u dhashey wadanka Yemen iyo laba Tunisia ah ayaa loo duuliyey Kazakhstan si halkaasi lagu haynayo.

Wareejinta shantan maxbuus ee la geynayo dalka bartamaha Asia ku yaala ee Kazakhstan ayaa maamulka madaxweyne Barack Obama uu kusoo afmeeray illaa 28 Maxbuus ah oo laga wareejiyey Guantanamo Bay sanadkii tegey ee 2014, waana tiradii ugu badnayd tan iyo sanadkii 2009, oo laga sii daayo xabsigan.

Mar wax laga waydiiyey asbuucaan hadii maamulka Obama uu sii xoojin doono wareejinta Maxaabiista, ayaa afhayeenka aqalka Cad Josh Earnest wuxuu sheegay in maamulka Madaxweyne Obama ay ahmiyad badan u leedahay in ugu dambayn maxaabiista oo dhan laga sii daayo xabsigan.

Tan iyo sannadkii 2009 markii uu madaxweyne Obama xilka qabtay wuxuu ku hawlahaa inuu dhaqan geliyo go’aankiisii ahaa inuu maruun xidho xabsigan.

Maraykanka ayaa xilligan ka shaqaynaya inuu sii daayo ama dib u dejin u sameeyo kala badh maxaabiista ku xidhan xabsigan oo gaadhaya 127, hase ahaatee caqabadaha weli hortaagan sii daynta maxaabiistan ayay ka mid tahay sharcigii 2010 la meel mariyey kaas oo diidanaa in maxaabiista loo soo wareejin karo gudaha dalka Maraykanka.

Duruufaha keenaya in la dhimo maxaabiistan waxaa ka mida dhinaca dhaqaalaha iyada oo maxbuuskiiba ay ku baxdo kharash gaadhaya illaa $3 Million oo dollar.

Warbixintan waxaa innoo haysa Sahra Cabdi Axmed:

Guantanamo Bay
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:16 0:00

XS
SM
MD
LG