Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Ka Dhacay Sanca


Saraakiisha Amaanka ee dalka Yemen ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay banaanka Akademiya Booliis oo ku taala magaalada Sanca ee caasimadda dalkaasi, qaraxaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan oo dhacay maanta oo Arbaca ah ayaa lagu soo beegay xilli dad badan ay xoonsanaayeen banaanka dhismaha booliska.

Durba cid sheegaytay inay masuul ka aheyd weerarka ma jirto.

Caasimadda Yemen ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo iyo weeraro iyadoo dhinacyo iska soo horjeeda ay ku hardamayaan awoodda dalkaasi oo isna la xarbinaya caqabado dhinaca amaanka ah tan iyo markii wadankaasi uu ka bilaabmay kacdoon dadweyne sadex sanadood ka hor, kaasoo lagu riday hogaamiyihii dalkaasi Cali Cabdalla Salex.

Falaagada Shiicada ee Xuutiyiinta ayaa la wareegay gacan ku heynta magaalada bishii September ee sanadkii hore, waxeyna isku dhaceen maleeshiyaad ka tirsan al-Qacidada Gacanka Carbeed Iyo maleeshiyo ka soo jeeda qabaa’ilka suniyiinta oo xulafo la ah.

XS
SM
MD
LG