Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Geelle: Heshiisku Xiisadda Ayuu Qaboojinayaa


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaacil Cumar Geelle oo wareysi khaas ah siiyay Idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiskii dhawaan ay dowladdiisu la gaaray isbahaysiga mucaaradka uu qaboojin doono xiisaddii siyaasadeed ee ka jirtay Djibouti labadii sannadood ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in iyaga iyo mucaaradkau ay haystaan muddo 30 cisho oo ay ku saxiixaan heshiis waara oo lagu dhameystirayo qodobo wali labada dhinac ay ku kala duwan yihiin oo ay ka mid yihin maqaamka xisbiga mucaaradka iyo dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Qeybta hoose ka dhageyso qeybta koowaad ee wareysiga gaarka ah ee VOA la yeelatay madaxweynaha Djibouti.

Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha Djibouti Qeybta 1aad
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:45 0:00

XS
SM
MD
LG