Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boqollaal Muhaajiriin ah oo Gaaray Italy


Muhaajiriin Markab Saaran
Muhaajiriin Markab Saaran

Markab siday boqolaal muhaajiriin ah ayaa maanta soo gaaray dekada magaalada Corigliano Calabro oo ku taalla koonfurta dalka Talyaaniga, kaasoo oo ay shaqaalihii markabku kaga tageen gudaha badda.

Ciidamada illaalada badda ee dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay in ay la wareegaan maamulka markabka, kuwaasoo waddayaal dusha markabka ku geeyay diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah, xilli uu markabku ahaa mid liic-liicaya oo ay luntay awooddiisu.

Ciidanka ayaa sheegay in markabka ay saarnaayeen 450 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur u badan Siiriyaan.

Muhaajiriintan ayaa ciidamada badda ee dalka Talyaaniga kula soo xiriiray isgaarsiinta raadyowga, kuwaasoo u sheegay in shaqaalihii markabka ay ka boodeen marakabkuna uu hadda yahay mid cidina aysan wadin.

Guddiga Midowga Yurub ayaa shalay sheegay in qorshaha ugu muhiimsan ee ay wadaan sanadkan hadda billowday uu yahay sidii loolla dagaallamilaha dadka muhaajiriinta soo galaya dalalka Midowga Yurub.

XS
SM
MD
LG