Isku xirrada

War Deg-Deg ah

6 Qof oo ku Dhimatay Weerar ka Dhacay Duleedka Baydhabo


Iska hor imaad ayaa saaka waaberigii ku dhex maray duleedka magaalada Baydhabo Ciidamo ka tirsan Dawladda Federalka Somalia iyo koox ka tirsan ururka Alshabaab.

Iska hor-imaadkan ayaa bilawday ka dib markii maleeshiyo ka tirsan ururka Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dawladdu halkaas oo lagu magcaabo isku-darka.

Dagaal wakhti socday ayaa goobtaas ka bilawday waxaana goobtaas ku geeriyooday illaa 6 qof oo ka mida dhinacyadii dagaallamayey iyada oo ay dhaawacmeen illaa 18 qof oo kale.

Duqa Degmada Baydhabo Xasan Macalin Biikole ayaa VOA u sheegay in goobtii dagaalku ka dhacay in ciidanka dawladdu haatan gacanta si buuxda ugu hayo isaga oo hadalka sii raaciyey in kooxdii ka socotay ururka Alshabaab ay ku guul daraysteen inay la wareegtaan fadhiisinkan ciidanku wax ku baadhaan.

XS
SM
MD
LG