Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hakad ku Yimid Baadi Doonka AirAsia


Cimilada oo xumeyd ayaa hakisay baadi doonka maalintii shalay ee sanadkan 2015ka uu bilowga ahaa- loogu jiray haraadiga burburka dayuuradii AsiaAir.

Saraakiisha baadi doonkaasi horkaceysa ayaa sheegay in roobab xooggan iyo dabeylo ay la duuli waayeen dayuuradihii helicopterska ee ka qeyb qaadanayay baadi doonka meydad weli la la’ayahay iyo burburka dayuuradda.

Sarkaal u dhashay dalka Indonesia ayaa ka digay inay qaadan karto ugu yaraan todobaad, ka hor inta aan laga helin gunta biyaha Badda Java, dayuuradda iyo sanduuqeeda madow ee macluumaadka.

Koox ka kooban 47 qof u dhashay dalka Indonesia oo kuwa biyaha hoostooda quusa ah ayaa heegan la geliyay si ey ugu dabaashaan 30 ilaa iyo 50 meter gunta badda, si ay yu helaan walxo madow oo balaaran oo lagu ogaaday qalabka fariimaha danabka leh dareema.

Saraakiisha ayaa sheegaya in walxahaasi ay noqon karaan burburka dayuuradda AirAsia ee la waayay Axaddii la soo dhaafay.

XS
SM
MD
LG