Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Weeraray Hogaamiye Al-Shababa


Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay hawlgal milateri ka fuliyeen maanta oo Isniin ahayd Somalia kaas oo ay ku bar-tilmaameedsanayeen ururka Alshabaab.

Weerarkan xagga cirka ah ayaa lagu bar-tilmaameedsanayey hoggaamiye sare oo Al-shabaab ah, waxaana weerarkani ka dhacay agagaarka deegaanka Saakow.

Afhayeen ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay inay ilaa hadda qiimaynayaan khasaaraha halkaas ka dhashay ama cidda wax ku noqotay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay inay qiimaynayaan natiijada hawl-galkan, isla markaana ay bixin doonaan macluumaad intan ka badan wakhtiga ugu munaasibsan.

XS
SM
MD
LG