Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indonesia: Diyaarad la Baadigoobayo


Madaxa wakaalada dalka Indonesia u qaabilsan baadigoobka iyo gurmadka ayaa sheegay inay u badantahay in diyaaradii la waayay ay ku jirto badda gunteeda.

Bambang Sulistyo ayaa saxaafadda u sheegay in diyaaraddan ahayd nooca loo yaqaanno Airbus 320 ay sidday 162 rakaab ah taas oo loo malaynayo inay dhacday .

Baadigoobka diyaaradda ayaa maanta hadana dib loo bilaabay iyada oo ay walaacsanyihiin dadkii qaraabada la ahaa rakaabkii diyaaradda saarnaa.

Waxaana hawsha baaadigoobka ka qayb qaadanaya diyaarado iyo maraakiib ka socda dhowr dal oo caalamka ah oo uu Maraykanku ka mid yahay.

XS
SM
MD
LG